digg icon delicious icon

Weeraryahanka Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ku biiray kooxda Elverum ee wadanka Norway

May 1, 2011   //     //   Sports


Weeraryahanka Xulka qaranka K/cagta Soomaaliya Ciise Aaden Abshir ayaa Arbacadii ku biiray kooxda Elverum FC ee wadanka Norway, waxana uu la saxiixday kooxda Elverum qandaraas kooban oo muddo lix bilood ah, iyadoo marka uu dhammado ay dhici karto inuu u saxiixo heshiis muddo dheer ah.
Kabtanka Xulka Soomaaliya Ciise Abshir oo ah weeraryahan khabiir ah, maadaama uu hore uga soo ciyaaray horyaaladda Soomaaliya, Tanzania, Malta iyo Norway ayaa ku soo biiriisita kooxdiisa cusub waxaa soo dhaweeyay dhammaan maamulka, ciyaartooyda kooxda, macallimiinta, gaar ahaan tababare Millivoj Knecevic iyo Fredrik Tervaniemi oo ah goolhayaha kooxda oo ay hore uga wada tirsanaayeen kooxda Eidsvold Turn ee isla wadanka Norway.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku biiray kooxda Elverum, waxaan ku heshiinay qandaraas 6 bilood ah, marka uu dhammaadana waan ka fiirsan doonaan inaan u saxiixo iyo inaan ku biiro koox kale oo heerkeedu sareeyo” ayuu yiri Ciise.Sababaha uu Ciise u saxiixay heshiiskan gaaban ayuu ku sheegay inuu Jaamacadda Oslo ka diyaarinayo koorso ku saabsan cilmiga caalamgia ah ee Ciyaaraha ee “International Sports Studies” sidaa daraaded uu ka faa’ideysanyo fasaxyada gaa-gaban ee xilliga nasashaad ah.

“Waa weeraryahan gebi ahaanba wanaagsan, wuxuu ka soo bixi karaa shaqadiisa gooldhalinta, waana nin fahamkiisu uu sarreeyo, farxad badan, dabeecad wanaagsan, deegaanka iyo luuqada si fiican u yaqaan, waxaana aaminsahaya in kooxdeenu ay maanta heshay weeraryahan awood u leh inuu dhaliyo goolal badan” ayuu yiri Fredrik Tervaniemi.

Ciise ayaa kooxdiisa cusub u safan doona kulanka adag ee ay berri la yeelaneyso kooxda Kjelsås, sida lagu sheegay qoraal ku soo baxay boga Internet ka ee kooxda Elverum.Kumanaan taageerayaal ah ayaa Arbacadii Ciise ku soo dhaweeyay garoonkooda Sentralidrettsplassen, xilli uu tababarka la qaadanayay ciyaartooyda kale ee kooxda, kuwaas oo aad ugu faraxsanaa laacibka cusub ee wadanka Soomaaliya ee ku soo biiray kooxooda.

Elverum waxay ka mid tahay kooxaha heerka 2-aad, waxayna ka mid tahay kooxaha ugu da’da weyn wadanka Norwary iyadoo la aas-aaday sanadkii 1907, waxaana taageerayaasha joogtada ah ee u diiwan gashan ay gaaraayaan 50-kun oo taageere.

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
fblue@hiiraan.com
Kampala, Uganda

Readers Comments (0)