Nin dhalinyaro ah oo la sheegay inuu nabad sugida ka tirsanaa oo xalay lagu dilay Muqdisho
May 27, 2012 // diyeeshe // NewsMuqdisho(PV):-Waxaa xalay degmada shibis lagu dilay nin ka tirsanaa nabada sugida dowlada KMG ah Soomaaliya kadib markii kooxo hubeysani ay soo weerareen.
Masaajidlka loo yaqaan jaamaca meel u dhow ayaa la sheegay in rag baastooladu ku huneysani ay ku toogteen askariga kadibna ay ka baxsadeen goobta oo markii danbe ay soo gaareen ciidamo dowlada ka tirsan kuwaasoo sida lagu bartay howlgalo degdeg ah ku dhaqaaqay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka la dilay uu ahaa ardey jaamacad dhiganayay islamarkaana BS-ta ka mid ahaa sidaana ay ku bartilaameedsadeen sida dhanka alshabaab laftooda laga soo xigtay kuwaasoo sheegtay dilka ninkaasi.
Ciidamada Dowlada ayaan wax dad ah u qaban dilkaasi inta aan ka warheyno basle howlgalo ay sameeyeen ayaa jirey kaasoo ay ku baarayeen sidii ay ku heli lahaayeen raadraac kooxihii dilkaasi fuliyay
Degmada shibis waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ugu badan ee weerarada qorsheysan lagu qaado dadka lagu tuhusan yahay inay dowlada KMG ah ka tirsan yihiin ama la shaqeeyaan.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com


