News

Wiilashii Garowe Laga kaxaystay oo Xorriyadoodii loo soo celiyay

Waxaa la xaqiijiyay in xorriyadoodii dib loogu celinayo Labo wiil oo ah dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland, kuwaasoo dhawaan lagu afduubtay magaalada Garoowe.

Dedaal ay sameeyeen Isimada iyo waxgaradka gobolka Nugal, ayaa ku guulaystay in l soo celiyo dhalinyaradan oo lagu hayay isla gobolka.

Dhalinyaradan oo markii hore Baasaboor u yimid caasimadda Puntland, ayaa loo qafaashay kiis nin ku xiran magaalada Burco oo lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar 9 jir ah.

Warar kale waxay sheegayaan inuu socdo dedaal ku aadan sidii loo dhammayn lahaa arrinta ninka ku xiran Burco, waxaa dad xog ogaal ah Hayir Media Agency u xaqiijiyeen in labada maamul arrintaas iyo wax garadku iska kaashanayaan.