News

Xarakada Alshabaab oo dhulka ay maamulaan ka mamnuucday 16 hay’adood

Muqdisho (AB):-Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska la socodka Hay’adaha ee Xarakatu shabaabul Mujaahidiin ayaa Maanta lagu shaaciyay in dhulka Xarakadaasi ay maamusho ay ka mamnuuceen inay ka howlgalaan 16 hay’adood kuwaasoo qaab samafal ku joogay Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Alshabaab ayaa lagu sheegay in Hay’adahaani oo isugu jira kuwo maxali ah iyo kuwo caalami ah inay faafiyaan warar lidi ku ah deegaanada ay Xarakadaasi islaamiga ah maamulaan gaar ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Hay’adahaani waxaa lagu eedeeyay inay dhaqaalaha ka helaan kaniisado dalal caalamka ka mid ah ku yaal.

“wixii hada ka danbeeya hay’adahaasi kama howlgeli karaan Walaayaadka aan maamulno”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaasi.

Hay’aha laga mamnuucay dalka inay ka howlgalaan waxaa ay kala yihiin sidan:-

1-Office of the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR)
2- World Health Organisation (WHO)
3- United Nations Children’s Fund (UNICEF)

4-     United Nations Population Fund (UNFPA)
5-    United Nations Office for Project Services (UNOPS)
6-     Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU)
7-     Norwegian Refugee Council (NRC)
8-    Danish Refugee Council (DRC)
9-    Concern
10-  Norwegian Church Aid (NCA)
11-  Cooperazione Internazionale (COOPI
12-  Swedish African Welfare Alliance (SAWA)
13-  German Agency For Technical Cooperation (GTZ)
14- Action Contre la Faim (ACF)
15-  Solidarity
16- Saacid

Maaha markii ugu horeysay oo ay alshabaab dalka ka eryaan hay’ado maxali ah ama kuwo caalami ah hore ayay in ka badan 20 hay’adood uga mamnuuceen melaha ay ka taliyaan.

Muqdisho-Somalia
allburtinle.com