digg icon delicious icon

Xarakada Alshabaab oo Muqdisho ka fuliyeen Xukun dil ah

January 31, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB);’-Maamulka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay galab fuliyeen xukun dil ah kaasoo lagu fuliyay nin lagu magacaabi jirey Axmed Cali Xuseen (Kayse)

Ninka la toogtay waxaa lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa Dowlada Mareykanka islamarkaana uu qirtay marki maxkamad la saaray sida uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarakada Alshabaab  Sh.Cali Maxamed Xuseen.

Sh.Cali waxaa uu daboolka ka qaaday inay soo bandhigi doonaan Filim ka hadlaya qaabka ninka la toogtay u u baxshay qiraalka isagoo ka sheekeynaya inta lacag uu ku shaqeynayay iyo waxa uu u qaban jirey CIA-da Mareykanka.

shacab aad u badan ayaa ka soo qeybgalay fagaarihii lagu tooganayay ninka basaasnimada lagu eedeeyay kuwaasoo daawanayay sida xukunka dilka u dhacayay.

Dilkaani waxaa uu ku soo aadayaa xili bilo ka hor sidaan oo kale deegaanka taree dishe loogu toogtay 2 itoobiyaan ah oo lagu eedeeyay inay basaas u ahaayeen dalka ay ka soo jeedaan.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)