Xeer ilaaliyihii maxkamada darajada koowaad ee gobolka bari oo ladiley
November 29, 2010 // admin // NewsXeer ilaaliyaha la dilay oo dhowaan xilkaas loo magacaabay ayaa lagu magacaabi jirey Gaashanle dhexe Cabdullaahi Saalax Shirwac,waxaana uu sidoo kale ahaan jirey Taliye kuxigeenki Akadeemiyada Booliska ee degmada Carmo.
Xilliga la dilaayay waxaa uu ku sugnaa Suuq caanaha ee magaalada Bosaaso oo ku taalla bartamaha magaalada,waxaana dadkii dilka geystay oo aan la aqoon haybtooda durbadiiba ka baxsadeen goobta.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa soo gaarey goobta uu dilka ka dhacay isla markaana ay howlgalo ka sameyeen, Taliyaha ciidanka booliska gobolka bari ayaa sheegay iney kudabara jireen dableydii dishey Xeer ilaaliyaha
Ma’ahan markii ugu horeysey ee ladilo xeer ilaaliyahaya iyo cid katirsan maxkamada gobolka bari
Dhawaanahaana waxaa magaalada boosaaso kusoo badanaya dilalka qorsheysan oo lagu beegsanayo dadka wax tarka uleh bulshada ilaa hadana majirto cid loosoo qabqabtey
Mursal Max’ud Osman
Allburtinle xafiiska puntland


