Xildhibaan Shaybe Sh. Maxamuud "Tartanka Gobolada wuxuu muujinayaa sida Puntland u jeceshay soomaalinimada
December 30, 2010 // admin // NewsBoosaaso (AB):-Qaar ka mid ah xildhibaanada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyay tartanka ciyaaraha Gobolada Soomaaliya ee ka socda Magaalada Garoowe.
Xil dhibaan Shaybe Sh.Maxamuud oo la hadlayay idaacada horseedmedia ee boosaaso ku fadhigeedu yahay ayaa sheegay in qabashada tartankaasi muujinayo sida Puntland u jeceshahay soomaalimada.
Wuxuu ku tilmaamay habsame u socdka tartankaasi mid aad farad u leh waxaa kale uu a dhawaajiyay xildhibaanka in ay aad u soo dhaweynayaan isagoo ku hadlayay magaca Xildhibaanada.
“dhanka nabada xitaa dyaar ayaan nahay inaan gacan ka gaysano sidii Soomaali dhamaan nabad u wada heli lahad” ayuu yiri Xil dhibaan Shaybe Sh. Maxamuud
Xildhibaano kale ayaa sidaas oo kale u muujiyeen sida a ugu faraaxsan yihiin tartanka socda kaasoo iminka gabo gabo maraya.
Boosaaso-Bari
allburtinle.com



