Xildhibaan sheegay in garoonka diyaaradaha Baydhabo ay ka soo degatay diyaarada sidey hub iyo waxyaabaha qarxa
October 30, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Xildhibaan Maxamuud C/laahi wehliye (waqaa) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowlada KMG ah Soomaalia ayaa ka dhawaajiyay in garonka diyaaradaha Magaalada baydhabo laga dejiyay hub iyo waxyaabaha qarxa .
Xildhibaan waqaa waxaa uu sheegay in hubkaani uu u socdo Xarakada Alshabaab islamaekaana uu ka yimid dhanka dalka Eretereya isagoo eedeyna u jeediyay dowladaasi islamarkaana xusay ujeedka hubkaani xiligaan loogu soo beegay.
” Doon sidey hub iyo waxyaabaha qarxa ayaa laga dejiyay Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaana la doonayaa in lagu qarxiyo baabuurta gaashaaman ee dowlada Kena kuwaasoo howlgalo dagaal ka wada gbolada Jubooyinka” ayuu yiri Xildhiaan waqaa
Xildhibaankaani waxaa uu aduunweynaha gaar ahaan qaramada Midoobe iyo reer galbeedka ugu baaqay inay cunuqabateyn dhan kasta ah ku soo rogaan Dowlada Eretereya madaama sida uu sheegay inay hub ku soo daldaleyso Soomaaliya.
Ma jirto warar madax banaan oo cadeynaya jiritaanka warka xildhibaankaani ka soo yeeray xili dagaalo xogan ay dalka ka socdaan kuwaasoo u dhexeeya Xarakatu shabaabul Mujaahidiin Dowlada KMG ah oo garab ka heleysa dalal ay ka mid yihiin Burindi,Uganda,Kenya iyo waliba diyaaradaha reer Galbeedka.
Muqdisho-Somalia
allburtinle.com



