digg icon delicious icon

Xildhibaanada Soomaaliyeed oo goor dhow oo maanta ah cod buuxa ku ansixiyay Ra’iisulwasaare Farmaajo

October 31, 2010   //     //   News

Muqdisho (AB):-Kulankii ay maanta lahaayeen Xildhibaanada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa goor dhow lagu soo gabagabeeyay Xaruntooda Muqdisho kaasoo aad xasaasi u ahaa maanta.

Kulanka Maanta oo ay soo xaadireen Xildhibaano gaaraya ilaa 391 mudane ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxan furitaanka kadib uu gudoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay in codka gacan taag uu noqon doono.

intan la codeyn ka hor waxaa xildhibaanada ka hor hadlay Xidlhiban C/raxmana C.shukuur oo ku hadlayay codka Xildhibaanbadii diidanaa in gacan taag lagu codeyo waxaana uu shegay inay ka tanaasulen go’aankaasi markii sida uu shegay uu go’aankaasi keenay khilaaf heer aysan fileyn gaaray.

Markii Codyntii gacan taaga la qaaday ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu ku dhawaaqay natiijada codka la qaaday waxaana uu in 297 xildhibaan ay codeeyen inuu ansax yahay Ra’iisulwasaaraha halka 91 ay dideen 2 kaliyana ay ka aamuseen.

Sidaa daraaded ayuu Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu ku dhawaaqay inuu ansax yahay Ra’iisulwasaaraha cusub ee dhawaan Madaxweynuhu soo magacaabay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Si kastaba ansixinta Ra’iisulwasaaraha ee maanta waxay meesha ka saartay khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iiuslwasaaraha soo kala dhexgalay iyo kii xildhibaanada ka dhex taagnaa inkastoo wax kale ay soo bixi karaan.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail

Readers Comments (0)