Xildhibaanada Dowlada KMG ah oo maanta isku raacay inay lacago mushaarkooda uga jaraan abaaraha ka jira Soomaaliya
February 28, 2011 // admin // News
Muqdisho (AB):-Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaanada Dowlada KMG ah Soomaaliya ayay kaga hadleen abaaraha Soomaaliya ka jira xiligaan iyo kaalinta kaga aadan inay wax ka qabtaan.
Gudiga bini’adaanimada Xildhibaanada ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan abaaraha ka jira Gobolada Soomaaliya iyadoo ugu danbeyn xildhibaanadu isla garteen inay wax u qabtaan dadka abaartu hayso ee soomaaliyeed.
Sidoo kale gudoomiyaha Gudiga gurmadka qaranka ee abaaraha Soomaaliya Xildhibaan Ibraahin Xabeeb Nuur ayaa fadhiga ka hor hadlay waxaana uu sheegay inuu waayay cid wax la qabata sidaa daraadeedna uu iska casilay xilka uu hayay.
Shirka oo uu shir gudoominayay Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka C/weli sheekh Muudeey ayaa markii danbe cod u qaaday sidii xildhibaanadu kaalin uga qaadan lahaayeen wax ka qabashada abaaraha.
Cod gacan taag ah ayay iskugu raaceen xildhibaanada in mid kasta bishaan uu mushaarkiisa ka jaro 100$ si abaabaraha wax looga qabto islamarkaana lacagtaasi lagu shubo bangiga dhexe ee Soomaaliya.
285 mudane ayaa u codeysay in xildibaan kasta 100$ laga jaro mushaarka bisha March ee berito bilaabaneysa si gurmad loogu sameeyo dadka ku dhibaateysan Gobolada Soomaaliya.
Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka ayaa shirka ka jawaabay war dhawaan ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada waxaana uu ugu baaqay inay shaqadooda qabsadaan islamarkaana ay faraha kala baxaan arimaha baarlamaanka.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com
diyeeshe15@hotmail.com


