digg icon delicious icon

Xildhibaanada Dowlada KMG Soomaaliya oo Saaka u codeynaya Ra'iisulwasaaraha cusub

October 31, 2010   //     //   News

Muqdisho (AB):-Xarunta Baarlamaanka Dowlada KMG Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa saaka lagu wadaa inay ku shiraan Xildhibaanada Dowlada KMG Soomaaliya kuwaasoo cod kalsooni ah u qaadi doona Ra’iisulwasaaraha cusub ee arintiisu keentay khilaaf soo kala dhexgala Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Iyadoo Ra’iisulwasaarahna la magacaabay 14-kii bishan maanta ku eg ayaa hadana ilaa waqtigaasi waxaa mar kasta dib loo dhigayay kulanka lagu ansixin lahaa xilka lo magacaabay ama lagu diidi lahaa waxaana baaqashooyinkaasi ay salka ku hayaan khilaaf xoogan oo madaxda sar sare soo kala dhexgalay islamarkaana dagaalkoodu noqday gacan taag haloogu codeeyo oo madaxweynaha uu sidaas rabo iyo gudoomiyaha oo raba in si qarsoodi ah loo codeeyo.

Hadaba Xildhibaanada qaarkood oo wax laga weydiiyay halka uu khilaafku ku danveeyay ayaa sheegay in la isu soo dhawaaday islamarkaana la isku raacay in hab gacan taag ah lagu codeeyo Ra’iisulwasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo 14-kii bishaan la soo magagacaabay ilaa iyo jaatana aan helin codka kalsoonida.

Sidoo kale madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inay shalay mar kale kuleen islamarkaana ay soo afjareen khilaafkii u dhexeeyay iyadoo loo maleynayo in gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka tanaasulay mowqifkii uu ku dhaganaa ee ahaa in hab qrasoodi ah loogu codeeyo.

Si kastaba wixii ka soo baxa kulanka ay xildhibaanadu saaka leeyihiin wararkeena danbe ayaad kagala socon doontaan inshaa Allaah.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail.com

Readers Comments (0)