Xildhibaanada oo Manata hakad geliyeen shaqada shirkadaha shisheeye ee Dowladu heshiisyada la gashay
December 30, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Waxaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho Mudanayaasha Baarlamaanka Dowlada KMG ah Soomaaliya iyadoo Ra’iisulwasaare Farmaajo uu ka qeybgalay shirka maanta.
Gudoonka baarlamaanka ayaa u yeeray Ra’iisulwasaaraha si ay su’aalo uga weydiiyay shirkado dhowr ah oo Dowladu heshiisyo ula gashay.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa markii uu shirka furey waxaa durba ra’iisulwasaaraha la weydiiyay heshiisyada xukuumadiisu la gashay shirkado shisheeye oo qaarkood la sheegay in garoonka diyaaradaha lagu wareejiyay.
Ra’iisulwasaare Farmaajo ayaa markii uu makaroofanka la wareegay waxaa uu beeniyay in wax heshiis ah ay la galeen xukuumadiisu shirkado shisheeye kaliyana uu la socodo heshiis xukuumadii Cumar C/rashidi ay la gashay shirkada Sarason international islamarkaana uu hayo warqadihii heshiiska lagu kala saxiixday.
Farmaajo waxaa uu intaasi ku daray inay gudi wasiiro ah u saareen soo xaqiijinta shirkadaha ay Xildhibaanadu sheegayaan oo gaaraya ilaa 5 waxaana uu ka dalbaday Mudanayaasha inay todobaad siiyaan si ay xaqiiqada u soo ogaadaan.
C/weli Sh.Muudeey oo shir gudoonka ahna ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa gabagabdii shirka waxaa uu ra’isulwasaaraha ugu jeediyay in la hakiyo shaqada shirkadaha inta baaritaanada ay socdaan dhana kalana la siiyay asbuucyad auu qabaaday
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com



