Xildhibaanada Soomaaliyeed oo Maanta ku kulmay Xaruntooda Muqdisho
July 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada KMG Soomaaliya inta ka joogta Muqdisho ayaa Maanta ku kulmay Xaruntooda waxana ay ka doodeen qodob mudooyinkaan danbe ay ku jireen.
Qododbka 33aad ee Xeer hoosaadka ayay si weyn uga doodeen,waxayna xildhibaanada badankood maanta fikirkooda ka dhiibteen qodobkaasi oo khilaaf ba’ani ka dhex taagan yahay,waxaana wali socda doooda
Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka C/weli Sh. Muudeey oo si gaar ah wax looga weydiiyay halka uu ku danbeeyo mooshinkii lagula xisaabtamayay Xukuumada Ra’iisulwasaare Cumar c/rashiid ayaa warbaahinta uu sheegay in berito ay ka sugayaan xukuumada inay soo horfarsiisato baarlamaanka.
“fariin ayaa nooga yimid Xukuumada waxayna noo xaqiijiyeen in berito soo horfariisan doonto baarlamaanka islamarkaan ay kalsooni weydiisan doonaan xildhibaanada” ayuu yiri
Warka ka soo baxay ku simaha Gudoomiyaha Baarlamanaka ahna ku xigeenka gudoomiyaha ayaa u soo aadaya xili maalmahaan danbe oo dhan la waysnaa kooram buuxin kara kalfadhiga waxaana kulanka maanta uu ku furmay 280 mudane.
Xildhibaanada Soomaaliyeed oo Maanta ka kulmay Xaruntooda Muqdisho
Muqdisho (AB):-Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada KMG Soomaaliya inta ka joogta Muqdisho ayaa Maanta ku kulmay Xaruntooda waxana ay ka doodeen qodob mudooyinkaan danbe ay ku jireen.
Qododbka 33aad ee Xeer hoosaadka ayay si weyn uga doodeen,waxayna xildhibaanada badankood maanta fikirkooda ka dhiibteen qodobkaasi oo khilaaf ba’ani ka dhex taagan yahay,waxaana wali socda doooda
Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka C/weli Sh. Muudeey oo si gaar ah wax looga weydiiyay halka uu ku danbeeyo mooshinkii lagula xisaabtamayay Xukuumada Ra’iisulwasaare Cumar c/rashiid ayaa warbaahinta uu sheegay in berito ay ka sugayaan xukuumada inay soo horfarsiisato baarlamaanka.
“fariin ayaa nooga yimid Xukuumada waxayna noo xaqiijiyeen in berito soo horfariisan doonto baarlamaanka islamarkaan ay kalsooni weydiisan doonaan xildhibaanada” ayuu yiri
Warka ka soo baxay ku simaha Gudoomiyaha Baarlamanaka ahna ku xigeenka gudoomiyaha ayaa u soo aadaya xili maalmahaan danbe oo dhan la waysnaa kooram buuxin kara kalfadhiga waxaana kulanka maanta uu ku furmay 280 mudane.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho