Xildhibaanadii TFG-da oo maanta dib uga dhoofay Gaalkacyo
September 29, 2011 // admin // NewsGaalkacyo (AB):-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Dowlada KMG ah ee ka soo jeeda Puntland maalmahaana ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho iyagoo markii horeba howlo nabadeyn ah u tagay deegaanada Puntland.
Sida wararaka aan ku helnay sedex ka mid ah xildhibaanadaasi ayaa ku haray magaalada Gaalkacyo halka 7 kale ay maanta digb ugu laabteen magaalada Muqdisho markii ay maalmihii u danbeeyay howlo nabadeyn ah u joogeen Magaalada Gaalkacyo xarunt Gobolka Mudug.
Xildhibaanada haray ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 7 xildhibaan ay maanta muqdisho ku laabteen islamarkaana ay aad ugu faraxsan yihiin in lagu guuleystay qorshihii ay markii hore u tageen magaalada Gaalkacyo.
Ujeedka ugu weyn ee xildhibaanadu u tageen magaalada gaalkacyo ayaa ahayd inay dhex dhexaadin ka sameeyaan Beesha Leelkase iyo Ciidamada Maamulka Gobolka Mudug ee Dowlada Puntland oo isku dhacay bilowgii bishaani taasoo ugu danbeyn lagu guuleystay in xal kama danbeys ah laga gaaray.
Dhanka kale Xildhibaanadaani oo markii hore ka soo degay garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha Dowlada Puntland iyo mas’uuliyiin kale iyagoo ka wada hadlay ujeedka ay u yimaadeen Puntland iyo xaalada guud ee dalka Soomaaliya.
allburtinle.com


