Sports

Xiriirka Kubadda Cagta Jubaland oo Gudbiyey Dacwad ka dhan ah G.Banaadir

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxa ay dacwad ka dhan ah Mamulka gobolka Banaadir u gudbiyeen Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta.

Dacwadaan ayaa timid kadib markii shalay muran la geliyay Jinsiyada Ciyaar yahan u Ciyaarayay xulka gobolka Banaadir tartanka Maamul Goboleedyada ee ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ciyaaryahaanka u Ciyaarayay Xulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu Magacaabaa Abdimajid Cusmaan Ibraahim “Xusni” waxaana baraha Bulshada dadka qaarkood ay ku shaacinayeen in uu yahay Kenyati,

Xiriirka kubada cagta jubaland ayaa Sheegay in maamulka Gobolka banaadir jabiyeen dastuurka ciyaarta qodobka 1.7 kaasoo sheegaya in ciyaar yahan ajanabi ah uusan ka qayb qaadan karin, Ciyaarta,