digg icon delicious icon

Xizbiga golaha shacabka Sudan "aftida kadib waxaa la afganbin doonaa Madaxweyne Albashiir

December 30, 2010   //     //   News

Xog-haya guud ee xizbiga golaha shacabka mucaaradka ee sudan Dr: Xasan Turaabi ayaa sheegay in Aftida kadib ay dhici doonta kacdoon shacab amaba afgambi military oo ka dhan ah madaxweynaha dalka sudan Md Albashiir.

Turaabi ayaa sheegay in xizbiga talada haya ay ka badbadiyeen mas’uuliyadda saaran iyagoo uu ku tilmaamay in ay sameeyeen wax yaabo badan oo ku kaliftay in ay goostaan koonfurta sudan oo ay kamid tahay qamriga oo laga xaaraantimeeyay shacabka reer koonfur ee ku dhaqan waqooyi sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in shareecada islaamka lagu xukumi karo oo kaliya qofka muslimka madaxweynihii ka horeeyay Albashiirna uusan ka reebin shacabka reer koonfur qamriga isagoo arintaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri:-

ma aysan u sharxin walaalaha reer koonfur shareecada islaamka wayo laguma xukumi karo qof aanan muslim aheyn, xitaa xiligii numeri ma aheyn mid laga mamnuucay shacabka koonfurta sudan.

Numeri wuxuu ka baxay dalka iyadoo mareekanka xitaa ay yaabeen waayo wadanka wuxuu aha amid degn ciidamada waxey ahaayeen kuwa siaga taageersan waqooyi iyo koonfurba sidee ku dhacday in uu meesha ka baxo shacabka ayaa ku kacay.

 Aftida kadibna shacabvka oo dhan waxey sameyn doonaan kacdoon aanan hubeysneyn caalamka oo dhan ayuuna kajiraa kacdoon shacab wuxuu ka dhacay bariga yurub, japan , halkana laba mar ayuu ka dhacay,

dhanka kale Cali Maxamuud xasaneyn oo ah madaxa xizbiga jabhadda ee ka dhisan dalka sudan aya sheegay in xalka kaliya ee lagu badbadin karo sudan inta ka hartay ay tahay in la rido xukuumadda Albashiir isagoo islamarkaana eed dusha kasaaray xizbiga talada haya oo uu ku sheegay in uu mas’uul ka yahay go’itaanka koonfurta Sudan.
 

Dhanka kale Cali Maxamuud xasaneyn oo ah madaxa xizbiga jabhadda ee ka dhisan dalka sudan aya sheegay in xalka kaliya ee lagu badbadin karo sudan inta ka hartay ay tahay in la rido xukuumadda Albashiir isagoo islamarkaana eed dusha kasaaray xizbiga talada haya oo uu ku sheegay in uu mas’uul ka yahay go’itaanka koonfurta Sudan.
 

Hadalada Turaabi iyo Xasaneyn ayaa imkaanaya xilli aftida sudan ay ka harsantahay 10 cisho oo kaliya iyadoo lagu wado in ay dhacdo 9 bisha january sanadda 2011 ka.

Xuseen Nuur Xaaji (nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Nairobi,Kenya

Readers Comments (0)