Xog-ururin ku aadan amniga Puntland iyo hay’adaha ajaanib ee amaanka qaabilsan
March 10, 2012 // diyeeshe // Articles, Dhacdooyinka Puntland, News
Deegaanada Puntland oo ah goobo si weyn loogu yaqaaney nabada iyo horumarka ka socda tan iyo burburkii dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya, ayaa waxaa hada ka socda dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha iyo horumarinta, xili si weyn uu Caalamka isha ugu hayo qorshaha Shidaal Baarista ee ka socota gobalka Bari ee Puntland.
Waxaa sidoo kale garab socoda dadaaladan walaac ay shacabka ka qabaan dhanka amaanka oo muddooyinkii danbe noqday mid isbedal ku yimaada.
Dowlada Puntland ee xiligan uu hogaamiyo Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa iyadu ku dadaashay in ay amniga wax ka qabato, ayadoo si weyn loo sugay amniga magaalooyinka waaweyn qaarkood halka ay jiraan arrimo badan oo wax ka qabasho u baahan oo weli ka jira deegaanada Puntland.
Dowladan ayaa ah middii ugu horeysay oo dalka keenta Saraakiil Ajaanib ah oo dowlada gacan kasiisa dhanka amaanka sida la dagaalanka Burcad Badeeda iyo Amaanka goobaha Shidaalka laga qodayo ee Bariga Puntland.
Waxaa hada deegaanada Puntland ku sugan labo hay’adood oo si gaar ah loo leeyahay kuwaasi oo Amniga gacan kasiiya dowlada Puntland, labadan hay’adood ayaa kala ah
SARANCEN iyo PATHFINDERS
Hay’adahan ayaa ah kuwo ay hogaamiyaan Saraakiil Ajaanib ah oo u badan Caddaan kuwaasi oo hogaanka u haya ciidamada ka amar qaata labadan hay’adood, ayadoo labadan hay’adood ansixinta joogitaanka dalka aan weli loo soo bandhigin shacabka iyo Saxaafada. Xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland oo arrintan wax ka weydiiyey ayaa ka gaabsaday inay si rasmi ah uga hadlaan arrimaha shirkadahan iyo in Baarlamaanka uu ansixiyey iyo in kale.
Horey waxaan uga soo hadalnay Hay’ada SARANCEN oo ayadu sheegtay inay tababari doonto ciidamada la dagaalama Burcad Badeeda. Hase yeeshee hay’adan ayey shacabka Puntland intiisa badan aaminsan yihiin in ay si toos ah ugu hawlan tahay arrimaha Macdanta.
Shirkada Sarancen oo xarumo kuleh magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayaa isugeyn waxay leeyihiin 3 doonyood oo yar yar, kuwaasi oo intooda badan xarumahaasi ku xareysan oo aan bada gelin, marka laga reebo tababarada ciidamada lagu siiyo ama marka Saxaafadda Caalamiga ah loo soo bandhigayo.
Hase yeeshee weli lama arag ciidamada Sarancen oo gacanta kusoo dhigay wax burcad badeed ah ama ayagoo fulinaya hawlgalo ballaaran oo Burcad badeeda wax looga qabanayo. Balse ciidamadan ayaa inta badan taga goobo ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dhulka Miyiga ah, ayadoo aan wax xog ama faah faahin laga bixin hawlgalada ay Baadiyaha ka qabtaan ciidamadan sida wanaagsan u tababaran ee Sarancen.
Sanadkii lasoo dhaafay ee 2011, ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay loo gudbiyey su’aalo ku aadan hawlaha ay SARANCEN ka qabato Puntland, ayadoo warbixintaasi lagu sheegay in hay’adan ay lug weyn ku leeyihiin Aasasayaashii shirkadii horey loo burburiyey ee BLACKWATER oo laga lahaa dalka Maraykanka, kuwaasi oo iyagu ahaa ciidamo la kireysto oo u adeega hadba cidii lacag siisa.
Shirkada SARANCEN ayaa xarunteeda ugu weyn kuleh Galbeedka Airporka Bosaaso, ayadoo halkaasi ka sameysatay xero militari iyadoo sidoo kale usoo degaan diyaarado u gaar ah shirkada.
Waxaa iyaduna jirta warar sheegaya in shirkada SARANCEN ay xiriir la leedahay shirkada [ Sarancen Mineral Holdings Limited ] oo fadhigeedu yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia shirkadaasi oo ah mid baarta Macdanta dhulka ku jirta.
Mar aan booqasho ku tegay dalka Australia ayaan isku dayey inaan xiriir la sameeyo shirkada SARANCEN ee fadhigeedu yahay dalka Australia, taasi oo ah mid si weyn loogu yaqaan soo saarka macdanta dhulka ku jirta ayaa ayadu beenisay inay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.
Waxaa ayaduna jirtay eedaymo loo soo jeedinayo shirkad kale oo lagu magacaabo Southern Ace Lt taasi oo la sheegay in ayaduna ka timid Koonfur Afrika isla markaana Daroogo ku beerto deegaano kamid ah GALMUDUG.
[Halkan ka akhriso warbixino horey looga qoray SOUTHERN ACE iyo SARANCEN]
Marka laga yimaado shirkadahan waxaa ayaduna jirta Shirkad ku sugan Puntland balse aan dadka intiisa badan la socon taasi oo ah iyadu ah mid u shaqeysa nooca sirdoonka isla markaana ah mid hab militari u dhisan, shirkadan ayaa la leeyahay dalka Koonfur afrika magaceeduna waa Pathfinders Corp.
Pathfinders Corp
Qaar kamid ah Saraakiisha Pathfinders Corp oo ay wada taagan yihiin xiriiryaha Puntland ee shirkaddaasShirkadan waxaa dalka keenay Shirkadda African Oil ee shidaalka ka baaraya dalka, waxayna ku sheegtay in ay u qaban doonto arrimo la xariira talo siin arrimaha Amniga ah [Consulting].
Waxaa sidoo kale arrimahan si weyn ugu dhexjiray xubno si weyn ugu dhaw dhaw Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo ayagu sidoo kale talooyin ku bixiyey in dalka la keeno shirkadan oo ah mid qaab militari u dhisan isla markaana hada si toos ah u maamusha dhamaan ciidamada Puntland ee ku sugan goobta shidaalka laga qodayo ee dooxada Dharoor.
Pathfinders Corp. Waxaa hogaamiya ninka lagu magacaabo Marius Roos oo asagu hada ah Korneyl kamid ah ciidamada Reserve-ka ee dalka Koonfur Afrika, waana nin kasoo dagaalamay goobo kala gedisan.
Shirkadan ayaa waxaa hadda u jooga 8 Sarkaal oo Cadaan ah oo iyagu ah kuwa dusha sare ka maaamula ciidamada illaalada ah kuwaasi oo ah rag horey uga soo mid ahaan jiray ciidamadii Koonfur Afrika.
Qaar badan oo kamid ah ciidamada Puntland iyo saraakiishooda ee ku sugan goobta shidaalka ayaa si weyn uga cawday habka ay Saraakiishan cadaanka ah ulla dhaqmaan Soomaalida halkaasi ka shaqeysa, ayadoo marar badan ay dhacday in Saraakiishan cadaanka ah ay gacanta ulla tagaan qaar kamid ah Askarta Soomaalida ah iyo saraakiisha kamid ah ciidamada Puntland ee illaalada goobahaasi ka haya.
AbdisalaamDhanka Dowlada Puntland ayaa dhawaan u magacowday nin dhalinyaro ah oo dalka dibadiisa ka yimid oo lagu magacaabo Cabdisalaan inuu noqdo Xiriiriyaha Guud ee Amniga ee Dowlada Puntland iyo hay’adaha Batroolka Baaraya iyo shirkadooda amniga qaabilsan ee Pathfinders.
Inkastoo masuulkan cusub uu yahay muwaadin reer Puntland ah oo dhalinyaro ah balse Madaxweyne Faroole si weyn ugu dhaw, hadana maaha nin horey ugu soo dhexjiray arrimaha amniga iyo maamulka, mana cada sida uu u xakameyn karo hay’adaha awoodaleh sida Pathfinders Corp iyo saraakiishooda sida sirdoonka u dhaqma ee ku sugan gudaha Puntland.
Shirkadan Pathfinders Corp, ayaa sidoo kale soo saarta Warbixino ama xog ay siiso shirkadaha Shidaalka ee African Oil iyo Red Emperor ayadoo talo kasiineysa arrimaha amaanka iyo cabsida laga qabo kooxaha khatarta ku noqon kara amaanka goobaha shidaalka laga qodayo.
Waxaa ayaduna jira warbixino loo diray Hay’adaha Gargaarka oo aan la aqoon meesha laga soo xigtay kuwaasi oo looga digayo hay’adaha Gargaarka inay tagaan deegaanada XAAFUUN iyo BANDER BAYLA ayadoo warbixinadaasi lagu sheegay in halkaasi Al Shabaab ay ku sugan yihiin.
Maamulada Xaafuun iyo Bander Bayla ayaa si adag u beeniyey wararka laga faafiyey deegaanadaasi ayagoo ku tilmaamay warar dano gaar ah laga leeyahay oo lagu doonayo in deegaanadaasi looga jaro gargaarkii soo gaari jiray.
Macada warbixinada hay’adahan shisheeye ay qoraan ay yihiin kuwa loo gudbiyey hay’adaha gargaarka qaabilsan ee dalka ku sugan.
Warbixinada kasoo baxa Pathfinders Corp, ayaa intooda badan sheega in kooxda Al Shabaab ay tahay mid khatar weyn ku ah amaanka shidaalka Puntland, ayadoo dhawaan kooxda ku sugan buurta Galgala ee sheegay inay ku biireen Al Shabaab ku hanjabeen inay weerari doonaan goobaha shidaalka laga qodayo.
Dowlada Puntland ayaa horey sanadkii lasoo dhaafay 21kii July 2011 heshiis ulla saxiixatay kooxaha iyo dadka ku sugan Buurta Galgala ee horey ulla dagaalamay dowlada Puntland, kadib markii ay dowlada Puntland siideysay 9 kamid ah raggii lagu soo qabqabtay dagaaladii ka dhacay deegaankaasi iyo kuwo kale oo ay ciidamada amniga ku qabteen gudaha Bosaaso.
Macada waxa keenay in heshiiskii hore uu burburo isla markaana kooxaha Galgala ku sugan ay xiligan ku dhawaaqaan inay ku biireen Al Shabaab oo ayaduna sheegtay inay hada ku biirtay Al Qaida.
Waxaa ayaduna is weydiin muddan sababta keentay in xiligan ay kooxaha ku sugan Galgala ay usoo degaan dhanka Laamiga isla markaana weeraro kusoo qaadaan Kantroolka Boosaaso oo ay markii ugu horeysay todobaadkii lasoo dhaafay ay soo weerareen. Arrintan ayaa la yaab ku noqotay shacabka maadaama ay dalka ku sugan yihiin ciidamo badan iyo waliba shirkadahan sheegay inay amniga wax ka qabanayaan ee shisheeye.
Xubno xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in hadda ay wadaan qaar kamid ah ragga arrimaha shidaalka u qaabilsan dowlada in ay talo ku bixiyaan in ciidamo Gaar ah ay dalka keensato hay’ada Pathfinders si ay gebi ahaan ulla wareegaan amaanka goobaha shidaalka, taasi oo loo sababeenayo khatarta ay sheegtay hay’adan inay uga imaaneyso dhanka Al Qaida iyo Al Shabaab.
Hay’ada Bartroolka ee Puntland ayaan ayadu wax hadal ah kasoo saarin joogitaanka shirkadan Pathfinders Corp iyo waliba qorshaha lagu doonayo inay gudaha Puntland ku sameysato ciidamo u gaar ah.
Su’aasha u baahan isweydiinta ayaa ah hay’adahan shisheeye ee ku sugan Puntland ma amniga Puntland ayey adkeenayaan mise waxay sababi karaan khal khal horleh oo ku yimaada nidaamka iyo amniga ka jira deegaanadan?
Ma noqon karaan ciidamadan sida gaarka ah loo leeyahay ee shaqsiyaadka ka amar qaata kuwo khal khal ku abuuri kara nidaamka dowliga ah ee ku jira deegaanada Puntland?
Dib usoo noqoshada dhaq dhaqaaqii Galgala ka socday iyo waliba saameynta ay ku yeelatay Wadada dheer ee Laamiga ah ee isku xira gobalada Puntland, ma tahay mid dowlada ay wax ka qaban weyday mise wax kalaa jira?
Su’aalahaas jawaabahooda waxaan u deynayaa akhristaha.
Yusuf Sharmaarke
Xigasho hrseed Media
