News

XOGTII UGU DAMBEYSAY DIYAARAD MALAAYIIN DOLLAR U SIDAY SAFAARADDA IMAARAAT-KA CARABTA OO MUQDISHO LAGU QABTAY.

Diyaarad Siday lacag Malaayiin Dollar ah ayaa maanta lagu qabtay Garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ka timid Imaaraat-ka ayaa la sheegay in lacag gaareysa 9 ilaa 13 milyan oo dollar ay siday waxaana lacagtaasi loogu tala galay in la geeyo safaaradda imaaraat-ka carabta ay ku leedahay muqdisho.

Warar kala duwan ayaa laga helaya lacagta halka ay sida dhabta ah ugu socotay waxaana wararka qaar sheegayan in lacagtaan loogu tala galay ciidamada uu tababaro Imaaraat-ka ee ku sugan muqdisho iyo deegaannada puntland .

Lacagta ayaa muddo dhowr saacadood waxa ay ku xayirneyd garoonka aadan cadde waxaana la socday mas’uuliyiin iyo askar imaaraat ah oo tiradoodu lagu sheegay 30 askari waxaana mas’uuliyiinta imaaraat-ka ee diyaaradda la socday ay diideen in la baaro shixnadda ay diyaaradda waday ee lacagta ah iyagoo ku dooday in ay leeyihiin xasaanad diblomaasiyadeed lana baari karin waxa ay wadaan.

Muran iyo dood dheer kadib lacagta waxaa loo qaaday xarunta nabad sugidda si loo baaro halka ay ku wajahneyd lacagta cadadaas la eg oo dowladdu aaney ka warqabin.

Warar aan mardhaw helay waxa ay sheegayan in galinkii dambe ee maanta lacagta lagu xareeyay bankiga dhexe ee soomalia halkaasna la geeyay ciidamo badan oo amniga bankiga suga iyadoona la xiray dhamaan waddooyinka soo gala bankiga dhexe ee magaalada muqdisho.

Warar kaloo madax banaan ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in lacagtaan loo adeegsado khilaafka ka dhex jira baarlamaanka ee ka dhashay mooshinkii jawaari laga keenay iyadoona ay xusid mudantahay in Imaaraat-ka carabta uu faragalin joogta ah ku hayo siyaasadda gudaha ee soomalia.

Dowladda federaalka weli kama aysan hadlin lacagta halka ay ku socotay iyo sababta keentay in lacag intaas la eg ay kasoo dagto garoonka diyaaraddaha aadan cadde.