News

Xubin ka Tirsan ururka Daacish oo Lagu Soo Bandhigay Moqdisho

Xubin la sheegay inay kamid tahay Daacish horayna uga mid ahayd ururka Shabaab, ayaa lagu soo bandhigay Muqdisho.

Warbixin uu baahiyay telefishinka Universal ayaa eedaysane Jaamac Xuseen Xasan, wuxuu ku faahfaahiyay qabsashadii Daacish ee Qandala iyo dilal ay gausteen mudadii uu ku jiray kooxdan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuu Qandala dagaalkeedii kasoo qaybgalay oo ururkaas looga dilay 11 qof, kadibna uu Boosaaso kusoo dilay askari, deetana uu dhulka soo maray oo uu yimid Muqdisho.

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in eedaysanahan la qabtay isagoo xirayay miino, waxaana lala soo qabtay agab ay kamid ahaayeen Camirooyin.