Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed oo guushii Labaad gaaray
December 17, 2011 // diyeeshe // News, Sports

Doxa (PV):-Tartanka ciyaaraha Kubada Koleyga Gabdhaha ee ka socda Dalka Qadar aya wali si habsemi leh uga socda dalkaasi iyadoo ay ka qeybgalayaan xulka gabdhaha kubada Koleyga Soomaaliyeed kuwaasoo gaaray guushoodii labaad.
Gabdhaha Kubada Koleyga ayaa aad uga farxiyay taageerayaal badan oo Soomaali ah kuwasoo daawanayay ciyaarta adag ee dhexmartay Gabdhaha Kuweyt iyo kuwa Soomaliyeed iyadoo ugu danbeyn ay ku soo idlaatay 67 oo ay guushu ku raacday Gabdhaha Soomaaliyeed iyo 47 oo ay la yimaadeen Gabdhaha Dalka Kuweyt.
Kulankaani ayaa noqonaya kii labaad ee ay guuleystaan gabdhaha Soomaaliyeed ee kubada Koleyga iyadoo 3 kulana hore looga adkaaday gabdhaha Soomaaliyeed markii ay fooda dareen gabdhaha Masar iyo kuwa Lubnaan.
Lama saadaalin karo guusha ay gabdhaha Soomaaliyeed ka gaari karaan tartankaani inkastoo xulal aad uga adag ay ka qeybgalayaan sida Xulka Masar iyo Lubnaan oo jeestooyin aad u badan kaga adkaaday gabshaha Somaaliyeed.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com


