Sports

Xulka Gobolka Banaadir oo si Dirqi ah kaga badiyay xulka Jubbaland

08 Dec (PuntlandVoice)

Waxaa galabta Garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ka furmay tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Ciyaartii furitaanka ayaa waxaa ku loolamay xulalka G/Banaadir iyo Jubbaland, waxaana guul dirqi ah ku 2-1 ku badiyay Gobolka Banaadir.

Qeybtii hore ayaa ku idlaatay goolal la’aan barbardhac ah, waxaase qeybtii labaad ciyaartoyda G/Banaadir u qaata N. 7aad ee Maxamed Cusmaan Abuukar u dhaliyay goolkii koowaad, iyadoo goolka labaad ay iska dhaliyeen xulka Jubbaland, waxaana ciyaartii ku soo dhammaatay 2-1 oo G/Banaadir ay guushii ku raacday,

PuntVoice01@gmail.com