News

Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Moqdishu Lagu soo dhaweeyey

Waxaa magaaladda muqdisho lagu soo dhaweeyey Xulka kubadda cagta puntland, kuwasoo ka qayb gali doona Koobka maamul goboleedyadda oo dhawaan ka furmaya caasumadda Soomaaliya, waxaana ka qayb Galaya xulalka maamul Goboleedyadda iyo mid matali doona Maamulka Gobolka banaadir,

Waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cade international Airport ku soo dhaweeyey xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dawladda federaalka, sanadkii hore ayey ahayd markii xulka kubadda cagta puntland uu ku guulaystay koobkii Maamul Goboleedyadda,